Colombo, Sri Lanka – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, H.E Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Sri Lanka, Anura Kumara Dissanayake, intii uu ku sugnaa magaalada Colombo.
Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Sri Lanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sri Lanka. Labada dhinac ayaa si gaar ah u soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka tooska ah ee labada dal, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horseedi karta iskaashi waara.
Safiirka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Sri Lanka soo dhoweynta diirran, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay Sri Lanka. Sidoo kale, Madaxweyne Anura Kumara Dissanayake ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo dhex mara labada dal, gaar ahaan xilligan ay jiraan caqabado dhaqaale iyo kuwo horumarineed oo caalami ah.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha. Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashi wax ku ool ah oo faa’iido u leh labada shacab.





