Soomaaliya oo Hambalyo u Dirtay Uganda Munaasabadda 64-aad ee Xorriyaddeeda

0

Muqdisho, Soomaaliya –  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Uganda munaasabadda sannad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay dalkaasi xornimadiisa ka qaatay gumeysiga.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku muujisay qaddarinta ay u hayso dadaallada iyo naf-hurnimada Uganda ay ka geysatay xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xustay muhiimadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo isdhexgalka gobolka, maadaama ay labaduba xubno ka yihiin Urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Uganda u rajeysay nabad waarta, midnimo iyo barwaaqo, iyadoo muujisay rabitaankeeda ku aaddan sii xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay rajeynayso in la sii adkeeyo xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqeyneed ee labada dal, si loo horumariyo danaha ay wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here