Jubaland oo la wareegtay maamulka Beled Xaawo ee gobolka Gedo

0

BELED XAAWO, GOBOLKA GEDO – Maamulka Jubaland ayaa la sheegay inuu dib ula wareegay gacan-ku-haynta degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, kadib wada-hadallo dhexmaray mas’uuliyiinta Jubaland iyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), oo horey Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu qaabilsanaa arrimaha amniga iyo sirdoonka gobolka.

 

Isbeddelkan ayaa yimid kadib heshiis la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee degmada, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka taagnayd xiisad u dhexeysay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland.

Wararka laga helayo wada-hadallada ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isku afgarteen in la dejiyo xiisadda, isla markaana la helo hannaan lagu maareeyo arrimaha ciidamada iyo maamulka degmada, si looga fogaado iska horimaadyo kale oo waxyeello u geysan kara shacabka.

Cabdirashiid Janan ayaa door muuqda ku lahaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled Xaawo, halkaas oo ay muddo ka taagnayd loollan la xiriira cidda maamuleysa degmada iyo ciidamada ku sugan.

Wada-hadallada dhexmaray Janan iyo maamulka Jubaland ayaa qeyb ka ahaa dadaallo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka, laguna gaaro is-afgarad ku saabsan mustaqbalka ciidamada iyo maamulka degmada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland, ayaa lagu sheegay in dadaallada nabadeed ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida degmada Beled Xaawo ay miro-dhaleen, kadib markii la soo afjaray xiisaddii muddada ku taagnayd halkaas.

Maamulka Jubaland ayaa u mahadceliyay bulshada, waxgaradka, haweenka, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada ee ka qeyb qaatay dadaallada lagu baajiyay dhiig-dhiigga iyo colaadda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in bulshada Beled Xaawo ay horey ula kulantay dhibaatooyin ka dhashay colaado, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, barakac iyo dhibaatooyin saameeyay nolosha dadka deegaanka.

Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay inay bogaadinayso bisaylka iyo dadaalka nabadeed ee dadka ku nool Beled Xaawo iyo guud ahaan gobolka Gedo, iyadoo ku baaqday in la sii xoojiyo wada-hadalka, is-qancinta iyo wadajirka bulshada.

Beled Xaawo ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahayd goob ay ku loollamayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, iyadoo khilaafku salka ku hayay maamulka gobolka, awoodda ciidamada iyo saameynta siyaasadeed ee labada dhinac.

Xiisadda ayaa marar kala duwan sababtay iska horimaadyo iyo cabsi laga qabay in xaaladdu dib ugu laabato dagaal, taas oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah iyo ganacsatada ku nool magaalada iyo deegaannada ku dhow.

Dib-u-heshiisiinta iyo isbeddelka ku yimid maamulka ciidamada ayaa hadda furaya marxalad cusub oo ku saabsan xaaladda degmada, inkastoo ay weli muhiim tahay in heshiiska la gaaray si nabad ah loo dhaqan-geliyo, lana xaqiijiyo in dhammaan dhinacyadu ixtiraamaan qodobada lagu heshiiyay.

Maamulka Jubaland ayaa farriintiisa ku adkeeyay in nabaddu tahay saldhigga nolosha, wadajirka bulshada iyo horumarka deegaanka, isagoo u mahadceliyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay dadaallada lagu soo afjaray xiisadda.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here