Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirka wadamada G20

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Xildh. Dr. Mohamed Hassan Mohamed Bulaale oo ka qaybglaay shirka wadamada G20 ayaa la kulmay Wasiiradda caafimaadka Dalalka India, Singapore, Brazil, Maraykanka, Germany, South Africa, Russia, Laos iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Uqaabilsan Qaramadda Midoobe Arrimaha Caafimaadka ee WHO.

 

Wasiir ku xigeenka oo qudbad kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in wadamadda afrika oo ay Soomaaliyana kamid tahay ay hadda maalgelin iyo iskaashi farsamo lasamaynayaan adduunyadda si horumar looga sameeyo kaabayaasha horumarinta adeegga caafimaadka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in wadamadda caalamka in ay si wada jir ah isaga kaashadaan in xal waara laga gaaro caqabadaha saamaynta ku leh horumarinta adeegga caafimaadka oo adub dhexaad ah u ah jiritaanka bani aadam caafimaad qaba.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qayb wayn ka aheed dhawr Wasaaraddo Caafimaadka oo lagu casuumay shirkaan wayn oo ay ka soo qayb galaan wadamada ku midoo bay Ururka G20, Qorshayaasha sida xoogan looga dooday waxaa ka mid ah sidii loo dhimi lahaa qiimaha Daawada ee taalo suuqa Caalamka gaar ahaan dalka turkiga oo inta badan laga soo iibiyo daawadda la keeno Africa.

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here