Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay R/W Xamza?

0

MUQDISHO (SMN) –Β Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee xakameynta iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee qeybta ka ah, inay la yimaadaan aragti mideysan iyo xalka dhibaatooyinka ay sababaan isbeddelka cimillada, kuwaasi oo lagu soo bandhigi-doono Shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay, taasoo ay sabab u tahay roobabkii oo yaraaday iyo wabiyadii dalka oo biyo yareeyay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa kormeerey xarunta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo uu ka dhacayay shirka, waxuuna bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Wasaaraddu muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 β€”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here