Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Kulan Soo Dhaweyn ah oo Putin u Sameeyay Madaxda Madasha Dhaqamada

0

Saint Petersburg – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Federaalka Ruushka, Vladimir Putin, uu u sameeyay madaxda ka qaybgalaysa Madasha 12-aad ee Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay.

 

Madaxweyne Putin ayaa khudbaddii uu ka jeediyay kulanka ku adkeeyay doorka dhaqanku ku leeyahay isku soo dhoweynta shucuubta iyo sii wadidda wada-hadalka, xitaa xilliyada ay hakadaan xiriirrada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.

Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta aqoonsiga dhaqamada kala duwan, ka qaybgalka dhallinyarada iyo is-weydaarsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada. Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa Madaxweynaha Ruushka iyo dowladdiisa uga mahadceliyay martigelinta madasha, soo dhaweynta diirran iyo kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta dhaqanka iyo farshaxanka.

Wasiirka ayaa xusay in ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan uu fursad muhiim ah u yahay soo bandhigidda hodantinimada hidaha Soomaaliyeed, is-weydaarsiga khibradaha iyo dhisidda iskaashi waxtar u leh hay’adaha dhaqanka, fanaaniinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.No photo description available.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here