Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shir Caalami ah oo ka Dhacay Washington DC

0

WASHIGTON – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir caalami ah oo uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka, kaas oo diiradda lagu saarayo sidii dalalka ka soo kabanaya colaadaha, nuglaanta iyo xasaradaha ay isku waafajin lahaayeen wax ka qabashada baahiyaha deg daga ah iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarineed ee muddada dheer.

 

Shirkan ayaa lagu falanqeynayay habka ugu haboon ee lagu dheellitiri karo ka jawaabidda xaaladaha dag daga ah ee taagan iyo dhisidda istiraatiijiyado waara oo horseeda xasillooni, koboc dhaqaale iyo horumar joogto ah. Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigtay waayo aragnimadeeda ku aaddan qorsheynta horumarineed ee muddada dheer, iyadoo isla markaana xoogga saareysa muhiimadda ay leedahay ka jawaabidda duruufaha iyo caqabadaha waqtiga xaadirka ah.May be an image of text that says "Round 2: Minimizing the tradeoff-how how to engender commitment Question round 2: What does actually take build and sustain commitment-across political transitions and different levels government? What works, what doesn't and what could national and international partners do better? MIHtYFORUM2026 TityFORUM 2026 Forum Fregllity agl mamib"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here