Muqdisho – Kusimaha Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Cusmaan Cumar (Naastaro), ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay shir wada-tashi ah oo ay ka qaybgalayaan daneeyeyaasha kala duwan, kaas oo looga hadlayo ku biirista Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Heshiiska Caalamiga ah ee Ciribtirka Dhammaan Noocyada Takoorka ka dhanka ah Haweenka (CEDAW).
Wasiiru Dowlaha ayaa khudbaddiisa furitaanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta sinnaanta jinsiga, ilaalinta xuquuqda haweenka iyo xoojinta doorka hay’adaha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee la dagaallanka dhammaan noocyada takoorka ka dhanka ah haweenka.
Waxa uu sheegay in shirka, oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ), isaga oo kaashanaya Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Sinnaanta Jinsiga iyo Awoodsiinta Haweenka (UN Women), uu yahay fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo fahamka bulshada ee heshiiska CEDAW, laguna falanqeynayo hannaanka ay Soomaaliya ugu biiri karto.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu soo bandhigayaa talooyin wax-ku-ool ah oo saldhig u noqon kara qorshaha iyo tubta loo marayo geeddi-socodka ku biirista heshiiskaasi.
Wasiiru Dowlaha ayaa intaas ku daray in wada-tashiga lagu saleeyo Dastuurka dalka, iyadoo si buuxda loo tixgelinayo diinta, dhaqanka iyo duruufaha bulsho ee Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in doodaha iyo wada-tashiyada ay qayb ka noqdaan hay’adaha dowladda, Baarlamaanka, garsoorka, ururrada haweenka, bulshada rayidka ah, culimada, odayaasha dhaqanka, warbaahinta iyo dhallinyarada, si loo helo aragtiyo kala duwan oo wax ku biirin kara geeddi-socodka.
Ugu dambayn, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa bogaadiyay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) oo soo qabanqaabiyay kulanka, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyay Hay’adda UN Women taageerada ay ka geysatay qabsoomidda shirka.

