Soomaaliya oo Sacuudiga la saxiixatay heshiiska qoondada Xajka 2027

0

JEDDAH – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula saxiixday dhiggiisa dalkaas, Dr. Towfiiq bin Fowzaan Al-Rabiici, heshiiska qoondada Xajka Soomaaliya ee sannadka 1448 Hijriyada oo ku beegan 2027.

 

Heshiiskan oo ah mid sannadle ah ayaa dhigaya in qoondada Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadka 2027 ay gaarto 11,500 oo Xaaji, kuwaas oo fursad u heli doona gudashada waajibaadka Xajka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay kaga qaybgaleen munaasabadda weyn ee Madasha Xajka iyo Bandhigga Adeegyada Xajka, oo ay ka soo qaybgaleen wufuud ka socotay dhammaan dalalka Muslimiinta caalamka.

Saxiixa heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jeddah, Mudane Cabdiwali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Dr. Cabdinaafic, Guddoomiyaha Xafiiska Adeegyada Xajka Soomaaliya, Dr. Khadar Daahir, iyo mas’uuliyiin kale.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here