Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Sonkorowga iyo socodka wacyigelinta cudurka oo lagu qabtay Muqdisho

0

MUQDISHO – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Sonkorowga (World Diabetes Day) iyo socodka wacyigelinta cudurka sonkorowga ee sannadka 2026.

 

Socodka wacyigelinta oo billowday 5:30 aroornimo ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir.

Socodku wuxuu ka billowday Daljirka Dahsoon, iyadoo ka qeybgalayaashu lug ku gaareen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo dhammaaday socodkii wacyigelinta.

Munaasabaddan oo hal-ku-dheg looga dhigay “Early Action on Diabetes” (Tallaabo Hore oo Lagaga Hortagayo Sonkorowga) ayaa ujeeddadeedu ahayd kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku saabsan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka sonkorowga, dhiirrigelinta baaritaannada caafimaad ee hore iyo muhiimadda ay leedahay qaadashada hab-nololeed caafimaad leh.

Sidoo kale, socodkan ayaa fursad u noqday in bulshada lagu baraarujiyo halista cudurka sonkorowga iyo baahida loo qabo xoojinta dadaallada wacyigelinta, ogaanshaha hore iyo ka hortagga cudurkan oo saameyn ku yeelan kara caafimaadka iyo tayada nolosha dadka.

Wasaaradaha Caafimaadka iyo Dhallinyarada ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada iyo bahda caafimaadka, ku boorriyay inay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu horumarinayo caafimaadka bulshada, iyagoo xoojinaya wacyigelinta iyo dhiirrigelinta hab-nololeed caafimaad leh.May be an image of one or more people, ambulance, crowd, street and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here