MUQDISHO — Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa shirkii ay Khamiista maanta yeesheen ku go’aamiyay in safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya uu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood ah, halka sidoo kale dib loogu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Abu Dhabi.
Go’aankan ayaa yimid iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo ka dhashay eedeymo la xiriira faragelin lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Imaaraadka ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu wiiqayo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhankeeda beenisay eedeymaha loo jeediyay, iyadoo la-taliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargash, uu dhaliilay hadallada madaxweynaha Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa sii xoojinaysa xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo khilaafkoodu uu salka ku hayo arrimo la xiriira iskaashiga amniga, heshiisyada dekedaha iyo xiriirka Imaaraadka uu la leeyahay maamullada gobollada Soomaaliya.



