Imaaraadka Carabta oo Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay hab-dhaqan colaadeed

0

ABU- DHABI – Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay hab-dhaqan colaadeed oo sii kordhaya oo ay dowladda Soomaaliya kula dhaqmayso Imaaraadka, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaasi ay dhaawacayaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in go’aannada saameynaya xiriirka labada dal ay tahay in lagu saleeyo danaha wadajirka ah, lagana fogeeyo tixgelinnada siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha.

Wasaaradda ayaa sidoo kale muujisay walaac ku saabsan waxa ay ku tilmaantay isku dayga dowladda Soomaaliya ee ah in khilaafaadka gudaha ee la xiriira awood-qaybsiga lagu dhex daro xiriirka labada dal, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay saameyn taban ku yeelan karto danaha labada shacab ee walaalaha ah.

Imaaraadka ayaa xusay in uu bishii Janaayo 2026 xiray safaaraddiisii ku taallay magaalada Muqdisho, isla markaana uu dalka kala baxay shaqaalihii diblomaasiyadeed, tallaabadaas oo uu ku sababeeyay falal uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya, oo ay ku jiraan go’aannadii lagu joojiyay heshiisyadii laba-geesoodka ahaa ee labada dal.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa caddeysay in dalku weli qiimeyn weyn u hayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu ku faano xiriirka ka dhexeeya labada shacab.

Waxay si gaar ah u xustay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka Carabta iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee booqda dalkaas, iyadoo sheegtay in Imaaraadku ay ka go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta xiriirka bulsho ee labada dhinac iyo danaha ay wadaagaan.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here