Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qayb-gashay dalka Uganda

0

KAMPALA (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir-madaxeedka Ururka dalalka ku bahoobay G — 77 iyo China.

 

Shir-madaxeedka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dalalka ku bahoobay ururkan G — 77 ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, horumarka waara, isbeddelka cimilada iyo ciribtirka faqriga.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan ku bahoobay dalladan, isagoo xusay in Soomaaliya ay samaysay horumarro waawayn ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagaxisada.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo gobonnimada dalalka ku midaysan dalladan, isagoo xusay in xad-gudubka Itoobiya kusoo fara-gelisay arrimaha Soomaaliya uu yahay mid halis ku ah ammaanka gobolka, isla markaana aan la aqbali karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here