Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid faragelin ay sheegtay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay si joogto ah ugu hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay in tallaabooyinkaasi ay wiiqayaan madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay walaac xooggan ka qabto siyaasadaha Imaaraadka Carabta ee la xiriira arrimaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo aan waafaqsanayn mabaadi’da madax-bannaanida iyo dhowrista qarannimada dalalka.
Wasaaradda ayaa xustay in mowqifka dowladda uu salka ku hayo khudbaddii qaran ee uu Talaadadii jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo mar kale adkaysay in Soomaaliya aysan aqbali doonin faragelin shisheeye iyo heshiisyo amni oo barbar socda nidaamka qaranka, isla markaana hareer maraya Dowladda Federaalka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharci ahaan u leh awoodda matalaadda dalka ee xiriirka diblomaasiyadeed, sidaas darteedna xiriir kasta oo rasmi ah oo lala yeelanayo Soomaaliya ay tahay in si toos ah loola yeesho dowladda dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Imaaraadka Carabta in dhammaan xiriirrada ay la leedahay Soomaaliya ay u marto Dowladda Federaalka, iyadoo la raacayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.
Dhanka kale, dowladda ayaa caddeysay in cabashadeedu si gaar ah ugu wajahan tahay siyaasadaha iyo tallaabooyinka dowladda Imaaraadka Carabta, balse aysan ahayn xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeysa shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Imaaraadka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax-bannaanideeda, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka, iyadoo adkaysay mowqifkeeda ku aaddan dhowrista qarannimada iyo madaxbannaanida dalka.




