ANTALYA, TURKIYE – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Soomaaliya ee COP31 (Somali Pavilion) ka furay kulan heer sare ah oo looga hadlay Maalgalinta u adkaysiga Aafooyinka, iyadoo saldhig looga dhigayo helida dhaqaale lagaga hortago, laguna yareeyo khataraha aafooyinka.
Kulanka oo ay iska kaashadeen Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxaa diiradda lagu saaray xoojinta dhaqaalaha lagu maalgalinayo adkaysiga bulshada soomaaliyeeda, xoogana lasaarayo isku tashiga bulshada, iyo in daneeyaasha waxkaqabashada isbadalka cimilada lagu booriyo maalgalin xilli hore ah.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen khubaro iyo qaar kamid ah madaxda gobolka waxuu guddoomiyaha Hay’adda SoDMA carrabaka ku adkeeyay in la xoojiyo kor u qaadida dhaqaalaha gudaha iyo midka dibadda ee wax looga qabanayo Maalgalinta yareeynta iyo ka hortaga Aafooyinka kusoo noqnoqday dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay khubarada iyo dhammaan ka qaybgalayaasha dooddooda, isaga oo xaqiijiyay in Hay’adda SoDMA ay sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo maalgalinta ka hortaga iyo yareeynta khataraha masiibooyinka.




