Soomaaliya oo soo bandhigtay awooddeeda militari munaasabadda 1-da Luulyo

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn ugu dabaaldegtay sannad-guurada 66-aad ee dib ula soo noqoshada xorriyadda iyo midnimada dalka, iyadoo magaalada Muqdisho lagu qabtay dhoolatus ballaaran oo ay ka qeyb qaateen Ciidamada Qalabka Sida.

 

Dhoolatuska ayaa lagu soo bandhigay cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada, gaadiid dagaal iyo qalab militari oo casri ah, iyadoo ujeeddadu ahayd muujinta heerka diyaar-garowga ciidamada iyo xoojinta dareenka midnimada iyo waddaniyadda shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa ku qabsoontay jawi ay hareeyeen farriimo ku saabsan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada qaranka iyo sii wadidda dib u dhiska hay’adaha amniga, xilli dalka uu weli wajahayo caqabado amni oo ay ugu weyn tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in dabaaldegga sanadkan uu ka duwanaa kuwii hore, isagoo xusay in si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qeyb qaateen hay’ado kala duwan oo dowladda ka tirsan.

Xuska 1-da Luulyo ayaa xambaarsanaa xusuusta maalintii ay midoobeen gobolladii Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya sanadkii 1960, taas oo horseedday aas-aaska Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dowladda ayaa munaasabadda uga faa’iideysatay adkeynta baaqa ku aaddan midnimada shacabka iyo taageerada ciidamada qaranka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la sii xoojinayo dadaallada lagu sugayo amniga, iyagoo tilmaamay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay weli socdaan, si loo xaqiijiyo xasillooni iyo nabad waarta oo dalka ka hanaqaadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here