Soomaaliya oo tacsi u dirtay Masar kaddib shil tareen oo ka dhacay magaalada Giza

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaddib shil tareen oo 8-dii Nofeembar 2026 ka dhacay magaalada Giza, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay murugada la qeybsanayso shacabka iyo dowladda walaalaha ah ee Masar, xilli ay ku jiraan xaalad adag oo ka dhalatay shilkaasi.

Sidoo kale, dowladda ayaa Alle uga bariday in uu naxariistiisa janno siiyo dadkii ku geeriyooday shilka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda, eheladooda iyo dhammaan dadkii ay ka baxeen.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa dadka ku dhaawacmay shilka u rajeysay caafimaad degdeg ah oo buuxa.May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here