Ciidanka DANAB oo howlgallo amni ka sameeyay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe

0

SHABELLAHA DHEXE – Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay deegaannada Jirirow, Calibare, Kaxareey, Libaaxle iyo deegaanno kale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Howlgalladan ayaa daba socda dhaqdhaqaaqyada kooxda Khawaarijta, kuwaas oo la sheegay inay si dhuumaaleysi ah dadka deegaanka uga ururinayaan lacago baad ah oo ay ugu yeeraan Sakawaad. Kooxda ayaa sidoo kale la sheegay inay beeraleyda ka dalbanayaan lacago laga qaadayo dalagyada beeraha ee sanadkan soo go’aya, isla markaana ay canshuur ku soo rogayaan xoolaha ay dhaqdaan shacabka.

Ciidanka DANAB oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada kooxda ayaa wada howlgallo lagu hor istaagayo isku day kasta oo lagu dhibaateynayo shacabka, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannadaasi.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu ilaalinayo shacabka, laguna sugayo amniga deegaannada hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here