Nairobi, Kenya – Dowladda Soomaaliya ayaa ka qayb gashay Shirkii 175-aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah (CPR) ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka (UNEP), kaas oo looga hadlay arrimaha deegaanka, isbeddelka cimilada iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Intii uu shirku socday, Soomaaliya ayaa soo bandhigtay mudnaanta qaranka ee ku aaddan la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada, maaraynta waarta ee kheyraadka biyaha, horumarinta xogta deegaanka iyo hirgelinta xalal waara oo lagu yareynayo dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweysay taageerada iyo hindisayaasha UNEP, gaar ahaan Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (Jowhar Offstream Storage Programme) iyo Qorshaha Qaranka Soomaaliya ee Qaboojinta (National Cooling Action Plan), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta adkeysiga deegaanka iyo horumar waara.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya UNEP, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu ku soo bandhigay mudnaanta Soomaaliya ee dhinacyada adkeysiga isbeddelka cimilada, maaraynta waarta ee biyaha iyo ilaalinta deegaanka.
Danjiraha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Afrika ay door muuqda ku yeeshaan go’aannada la xiriira deegaanka iyo cimilada, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhexmara dalalka Koonfurta iyo Koonfurta, horumarinta awoodda hay’adaha iyo helitaanka maalgelin joogto ah oo la saadaalin karo.
Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso saameynta ay keeni karaan dabeylo iyo duufaanno la filayo inay dhawaan ku soo wajahan yihiin dalka.
Danjire Jabril ayaa shirka ku soo bandhigay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee u diyaar-garowga iyo ka hortagga dhibaatooyinka ka dhalan kara duufaannada, isaga oo beesha caalamka ugu baaqay inay Soomaaliya ku taageerto qorshayaasheeda la xiriira u diyaar-garowga musiibooyinka iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo helitaanka taageero dhaqaale oo joogto ah ay muhiim u yihiin sidii dalka loogu diyaarin lahaa khataraha sii kordhaya ee ka dhasha isbeddelka cimilada.





