Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan Heer Sare ah la Yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.

 

Kulanka oo ku dhacay jawi saaxiibtinimo iyo is-afgarad leh ayaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga difaaca iyo amniga.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wada-shaqeynta labada dal lagu saleeyo is-ixtiraam, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, iyadoo laga jawaabayo xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo isbeddellada ka socda gobolka iyo caalamka.

Wasiir Fiqi ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay dhismaha ciidan qaran oo tababaran, qalabeysan, isla markaana awood u leh difaaca dalka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka.

Dhankiisa, Admiral Dong Jun ayaa bogaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka gaartay amniga, dowlad-dhiska iyo tayeynta ciidanka qaranka, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Wasiir Fiqi ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada soo jireenka ah ee wax-ku-oolka ah iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta is-afgaradyada horay u jiray, lana sii ballaariyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, si xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka tara nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.May be an image of one or more people, suit and textMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here