Soomaliya oo ka qayb gashay shirka wasiirada Tacliinta sare ee Carabta

0

ALGERIS (SMN) – Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, Agaasimaha waaxda Hiddaha iyo Taclinnta Sare Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa magaaladda Algeris ee Caasimadda Dalka Aljeeriya kaga qeybgalay shirka 18-aad ee Wasiirada Tacliinta Sare iyo Cilmi baarista ee wadamada Carabta.

shirkaas oo lagaga hadlayo horumarinta tiknaloojiyada tacliinta Sare, Cilmi baarista iyo qorshaha horumarinta Waxbarashada ee 2021-2030-ka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa warbixin ka siiyay wadamada kasoo qeyb galay shirka xaalada Waxbarashadda Soomaaliya iyo hiigsiga mustaqbalka ee Wasaaradda Waxbarashadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here