Boosaaso, Agoosto – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari, ayaa magaalada Boosaaso ka fuliyey hawlgal qorshaysan oo lagu soo qabtay afar qof oo lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga iyo qaybinta khamriga iyo maandooriyaha.
War kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in Hawlgalka lagu soo qabtay khamri noocyo kala duwan ah oo la tuhunsan yahay in loo diyaariyey iib iyo qaybinta. Ciidamada ayaa sidoo kale wada baaritaanno lagu xaqiijinayo halka ay ka yimaadeen waxyaabaha la qabtay, habka loo qaybiyey iyo cid kasta oo kale oo lala xiriirin karo hawshan.
Ciidanka Booliska ayaa caddeeyey in la dagaallanka maandooriyaha iyo wax kasta oo khatar ku ah caafimaadka iyo badqabka bulshada uu yahay mudnaan amni. Ciidanku wuxuu si gaar ah uga digay cid kasta oo ku lug yeelata soo gelinta, kaydinta, iibinta ama qaybinta maandooriyaha iyo khamriga, in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Booliska Puntland ayaa sidoo kale bulshada ku boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, ayna soo gudbiyaan xogta ku saabsan falalka iyo goobaha looga shakisan yahay ka ganacsiga maandooriyaha, si loo ilaaliyo bulshada loona xoojiyo amniga iyo kala dambeynta. Baaritaanka kiiska ayaa socda, waxaana dadka la soo qabtay loo gudbin doonaa hay’adaha ay khusayso, iyadoo la raacayo habraacyada iyo shuruucda dalka.




