Madaxweynaha Zambia oo hoggaanka ku haya natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada

0

LUSAKA – Madaxweynaha Zambia Hakainde Hichilema ayaa hoggaanka ku haya marxaladda hore ee tirinta codadka doorashada madaxtinimada dalka, iyadoo Guddiga Doorashada Zambia uu bilaabay shaacinta natiijooyinka hordhaca ah.

 

Hichilema oo ka tirsan xisbiga talada haya ee United Party for National Development (UPND) ayaa ka mid ah 13 musharrax oo u tartamaya xilka madaxweynaha Zambia.

Natiijooyinka laga helay afar goobood oo cod-bixineed, oo ka mid ah 226-ka goobood ee dalka laga codeeyay, ayaa muujinaya in Hichilema uu helay 22,476 cod, halka musharraxa ku xiga, Brian Mundubile oo ka tirsan xisbiga National Reconciliation Party for Unity and Progress (NRPUP), uu helay 14,388 cod.

Shaacinta natiijooyinka ayaa timid saacado kadib markii Guddiga Doorashada Zambia uu si ku-meel-gaar ah u hakiyay tirinta iyo shaacinta codadka, kaddib markii ay dhaceen falal rabshado ah oo lala beegsaday wakiillada goobaha cod-bixinta.

Taliyaha guud ee Booliiska Zambia, Graphel Musamba, ayaa sheegay in sagaal qof oo looga shakisan yahay rabshadaha la xiray, kuwaas oo lala xiriirinayo dilka Livermore Chishima, oo ahaa wakiil ka shaqeynayay goob cod-bixineed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Zambia, Mwangala Zaloumis, ayaa sheegtay in wax laga qabtay dhammaan walaacyadii dhanka amniga ahaa, isla markaana la diyaariyay tallaabooyin lagu xaqiijinayo in tirinta iyo shaacinta natiijooyinka ay si nabad ah u sii socdaan. Natiijooyinkan ayaa weli ah kuwo hordhac ah, waxaana la filayaa in Guddiga Doorashada Zambia uu sii wado shaacinta codadka laga soo tiriyay goobaha kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here