Taliska Booliska oo ka hadlay sababtii Muudey loogu celiyey Aadan Cadde

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii garoonka loogu celiyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sababta ku sheegay in Muudey uu watay ciidamo badan iyo hub, taasina ay keentay in la hor istaago.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in guddoomiye Muudey aan si gaar ah loo bartilmaameedsan, balse ujeedka uu ahaa arrimo la xiriira amniga doorashada.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan musharixiinta inay dhowraan xasiloonida amniga, wuxuuna xusay inay iyagu mas’uul ka yihiin amniga guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here