Askartii dilalka ka geysatay magaalada Muqdisho oo gacanta lagu soo dhigay

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliska General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidanka ay gacanta ku hayaan Askartii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilalkii xalay iyo caawa loo geystay 3-muwaadiniin ah.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Waxaa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan ka dib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in eedeysanayaasha si deg-deg ah loo soo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here