Taliska Booliska oo war ka soo saaray weerarkii ka dhacay degmada Kaxda

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa faah-faahin ka bixiyay weerar iyo dagaal toos oo ay xalay Al-Shabaab ku soo qaadeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

 

Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas oo ku billowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dilay ugu yaraan 2 askari, laguna dhaawacay 3 kale.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in laba qof oo shacab ah ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii rasaasta ugu tegtay xaafadaha u dhowaa sadhigga lagula dagaalamay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ay iska difaaceeyn weerarka, isla-markaana ay jab gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab waxay horay sidaan oo kale usoo weerareen degmada Dayniile oo iyana ku taalla koonaha magaalada Muqdisho, waxaana isna weerarkaas lagu beegsaday bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska ee degmadaasi.

Si kastaba, weeraradan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee haatan ka dhacaya Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay qaraxii gaariga loo adeegsaday ee shalay ka dhacay isgoyska Ifka Xalane, kaas oo lagu dilay shaqaale ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here