Wasiir ku xigeenka caafimaadka XFS oo la kulmay Wasiirka Caafimaadka dalka India

0

NEW DELHI (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda XFS Mudane Xildh. Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya.

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka dalka India ayaa labadda masuul waxa ay uga wada hadlayn iskaashiga dhexmara labadda wasaaraddood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India.

Wasiiradda ayaa isku afgartay laga wadasheeqo iskaashi mirro dhal ah dhanka daawadda, tababarrida iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’addaha caafimaadka dalka.

Sidoo kale, waxa la isku soo qaaday xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo aada dalka India in ay daawayn iyo lataacaalid ka helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here