Taliska Baydhaba ee Ciidanka Dowladda oo Sheegay inay Fashiliyeen Weerar lagu soo qaaday Magaaladaasi

0

Baydhabo – Dagaal culus ayaa saakay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sheegeen inay fashiliyeen weerar ay soo qaadeen maleeshiyaad isugu jiray Al-Shabaab iyo ciidamo taabacsan madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

 

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, weerarka ayaa dhacay abaare 5:00 subaxnimo, waxaana maleeshiyaadku weerarka u adeegsadeen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, iyagoo isku dayay inay gudaha u galaan magaalada Baydhabo. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay si x#### ah uga hortageen weerarka, ayna fashiliyeen isku-dayga lagu doonayay in lagu qabsado goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Intii uu socday iska horimaadka, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay dileen ku dhowaad 30 ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka qaar kalena ay nolosha ku qabteen. Ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen inay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale, wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in dagaalka uu saameeyay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo laga maqlayay dhawaqa hubka culus. Xogaha qaar ayaa tilmaamaya in shacabka qaarkood ay bilaabeen inay ka barakacaan goobaha uu dagaalku ka dhacay, iyadoo sidoo kale la soo sheegayo waxyeello soo gaartay dad rayid ah iyo burbur soo gaaray guryo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay weli wadaan hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, iyadoo la raadinayo maleeshiyaad ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah Baydhabo.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo Baydhabo ay noqotay xudunta ugu weyn ee xiisadda labada dhinac.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shacabka ugu baaqday inay feejignaadaan, isla markaana ay garab istaagaan ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada, iyadoo sheegtay in faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono natiijada hawlgallada marka ay soo gabagaboobaan.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here