Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo kulan ku saabsan Amniga la qaatey Wasiirka Arrimaha Gudaha Iraq

0

BAGHDAD, Ciraaq – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa kulan rasmi ah magaalada Baghdad kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq, Cabdil-Amiir Al-Shammari, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira xoojinta iskaashiga amniga iyo xiriirka labada dal.

 

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq, Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed, iyadoo kulanku uu diiradda saaray sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen amniga, la iskuna dhaafsan lahaa khibradaha la xiriira sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq ayaa isla gartay in la bilaabo wada-shaqeyn toos ah oo u dhexeysa hay’adaha amniga ee labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed ee horey u jiray, loona helo hannaan wadajir ah oo lagu xoojiyo sugidda amniga guud.

War kasoo baxay xafiiska Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in kulanka uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay kor ugu qaaddo xiriirka ay la leedahay dowladaha saaxiibka la ah, gaar ahaan kuwa khibrad u leh la tacaalidda argagixisada iyo dambiyada abaabulan.

Dowladda Ciraaq ayaa sanadihii la soo dhaafay la tacaalayay xaalado amni oo cakiran, iyadoo la dagaallameysay kooxaha argagixisada sida ISIS. Khibraddaasi ayaa loo arkaa mid wax badan laga faa’iidi karo, maadaama Soomaaliya ay wajahday caqabado la mid ah kuwaasi.

Kulanka Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Cabdil-Amiir Al-Shammari ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto dib u habeyn ku sameynta hay’adaha ammaanka, gaar ahaan booliiska, si ay u noqdaan kuwo xirfad iyo karti u leh ka hortagga falalka amni darrada.

Kulamo kale oo dhanka amniga ah ayaa la filayaa in ay dhacaan inta uu socdo booqashada Taliyaha Booliiska Soomaaliya ee dalka Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here