Taliyaha ciidamada Dhulka oo digniin u diray ciidamada Xoogga dalka

0

MUQDISHO (SMN) –  Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa maanta digniin u diray dhammaan ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna uga digay inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

General Biixi ayaa shaaca ka qaaday in askarigii qof shacab ah dila in isagana tiirka la geyn doono, kadibna la toogan doono .

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dilalkii ugu dambeeyey ee habeenadii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho,wuxuuna ku tilmaamay arrin nasiib darro ah oo dhacday.

“Waa dhacdo aad u fool xun waxaan rabaa inaan halkan uga faa’iideysto dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed meelo joogo ama ha noqdo mid Staff ah oo madax la socda ama ha noqdo mid ciidan oo Xoogga dalka ka tirsan, qofkii qof shacab ah xabad ku rida Wallaahi tiirka maxkamaddaan geyneynaa,” ayuu yiri General Maxamed Tahliil Biixi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey dilalka ay ciidamada dowlada Soomaaliya ka geysanayaan gudaha magaalada Muqdisho oo dhowr qof oo shacab ah lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here