Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo booqday Dugsiga Tababarka Saraakiisha Asluubta ee Aljeeriya

0

Aljeeriya – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Algiers ee caasimadda dalka Aljeeriya, ayaa maanta booqasho ku tagay Dugsiga lagu tababaro saraakiisha iyo kaadirka Hay’adda Asluubta iyo Maamulka Xabsiyada dalka Aljeeriya.

 

Taliyaha ayaa booqashada waxaa ku weheliyay dhiggiisa, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Asluubta iyo Maamulka Xabsiyada dalka Aljeeriya, Mudane Zerb Saciid, waxaana si diirran u soo dhoweeyay Taliyaha Dugsiga Tababarka. Taliyaha Dugsiga ayaa wafdiga warbixin ka siiyay qeybaha kala duwan ee xarunta, hababka tababarka iyo habraacyada loo maro qaadashada iyo diyaarinta saraakiisha cusub ee ku biiraya Hay’adda Asluubta.

Intii ay booqashadu socotay, waxaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed loo ballanqaaday in Soomaaliya qeyb laga siin doono dufcadda saraakiisha tababarka loo qaadanayo sannadka 2027, taas oo qeyb ka ah iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada hay’adood. Sidoo kale, Taliyaha ayaa la guddoonsiiyay shahaado sharaf lagu maamuusay booqashadiisa iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee labada dhinac.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliye Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu ku doonayo dib-u-soo nooleynta iyo horumarinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, tayeynta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha, iyo xoojinta wada-shaqeynta uu la leeyahay talisyada iyo hay’adaha Asluubta ee dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here