Safiirka Turkiga oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif

0

Muqdisho – Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ay kaga wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka siyaasadeed iyo muhiimadda ay leedahay wadahadalka iyo wadatashiga joogtada ah.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, kulanka ayaa labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadleen horumarradii ugu dambeeyay ee siyaasadeed ee dalka ka dhacay iyo baahida loo qabo in la xoojiyo wadahadalka iyo is-afgaradka dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u xusuustay booqashadii taariikhiga ahayd ee sannadkii 2011-kii uu Muqdisho ku yimid Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo ay wehelinaysay Marwada Koowaad ee dalkaas, Emine Erdogan, xilligaas oo Sheekh Shariif uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu soo dhaweeyay wafdiga Turkiga.

Safaaradda Turkiga ayaa sheegtay in kulanka lagu xusay muhiimadda taariikhiga ah ee booqashadaasi iyo kaalinta ay ku leedahay taariikhda xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Safiir Ferhat Alkan ayaa sidoo kale mahadcelin u jeediyay Sheekh Shariif, isagoo uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa diirran iyo is-weydaarsiga aragtiyaha ku saabsan arrimo kala duwan. Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Khilaafka labada dhinac ayaa si gaar ah ugu saabsan arrimaha doorashooyinka, hannaanka siyaasadeed iyo muddo-xileedka dowladda, iyadoo mucaaradku ay si weyn uga soo horjeedaan habka ay dowladda u maareyneyso arrimaha la xiriira doorashada iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa sidoo kale jiray kulamo iyo wadahadallo dhowr ah oo ay yeesheen dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo aan weli laga gaarin heshiis kama dambeys ah oo lagu xallinayo khilaafaadka jira. Kulanka Safiirka Turkiga iyo Sheekh Shariif ayaa imaanaya xilli ay muhiimad gaar ah leeyihiin dadaallada wadahadalka iyo wadatashiga siyaasadeed ee lagu raadinayo xal u helidda khilaafaadka ka taagan hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here