Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray furimaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan

0

HIIRAAN, Soomaaliya — Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi “Gen. Khaalid”, ayaa gaaray deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ku booqday fariisimaha hore ee ciidamada dowladda.

 

Taliyaha waxaa safarka ku wehliyay Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doctrine-ka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Axmed Ciise Axmed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Colonel Cali Cageey, ayaa Taliyaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay furimaha hore, isaga oo warbixin ka siiyay xaaladda amni ee deegaanka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi ayaa ciidamada ku ammaanay naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujiyaan, isaga oo ku booriyay inay sii wadaan feejignaanta iyo diyaar-garowga ay kaga hortagayaan weerarrada iyo dhagarta Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada oo uu sheegay inay dadaal badan ku bixinayaan howlgallada ka socda Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada dowladda ay isku dayayaan inay kooxda ka saaraan deegaannada ay weli ku leedahay joogitaanka.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab muddooyinkii u dambeeyay ku dagaallamayeen, iyadoo howlgallada milatari ay diiradda saarayaan sugidda amniga deegaannada iyo waddooyinka muhiimka ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa difaacyada hore iyo in la kordhiyo cadaadiska lagu saarayo kooxda Al-Shabaab.

Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here