Kigali, Rwanda – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa ka qeybgalay madasha caalamiga ah ee taliyeyaasha ciidamada dhulka (Land Forces Commanders Symposium 2025) oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.
Madashan ayaa waxaa ka soo qeybgalay taliyeyaasha ciidamada dhulka ee dalal badan oo Afrika iyo caalamka ah.
Waxaana lagu falanqeeyay sidii loo mideyn lahaa aragtiyada hoggaanka, loo xoojin lahaa iskaashiga amniga, iyo kor loogu qaadi lahaa nabadda iyo xasilloonida goboleed iyo caalami ah.
Jeneraal Khaalid oo halkaas ka jeediyay khudbad, ayaa sheegay in amniga iyo nabadda lagu gaari karo hoggaan mideysan, qorshe casri ah iyo iskaashi xooggan oo u dhexeeya ciidamada kala duwan.
Wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay door muuqda ka ciyaaraan dadaallada lagu dhisayo amni waara.




