Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gaaray Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

 

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Daahir (Dhagawayne), iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada.

Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay uga wada hadleen xaaladda guud ee ciidamada, howlaha ay ka wadaan deegaannada Galmudug iyo arrimaha la xiriira habsami-u-socodka shaqada iyo hawlgallada milatari.

Kulamada ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay dadaallada ciidamada ee ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha amniga ee ka socda deegaannada Galmudug.

Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa qeyb ka ah kormeerro iyo kulamo uu la yeelanayo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas oo la xiriira qiimeynta xaaladda ciidamada iyo howlaha ay u xilsaaran yihiin.May be an image of one or more people and textMay be an image of helicopter and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here