Dhuusamareeb – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Maxamed Cabdi Daahir “Dhagawayne”.
Intii ay soo dhaweyntu socotay, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, isagoo kala hadlay arrimaha la xiriira howlaha iyo xaaladda ciidamada ee Galmudug.




