Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, xoojinta nidaamka dowladnimada iyo meel-marinta shuruucda muhiimka ah, kuwaas oo sannadihii la soo dhaafay saldhig u noqday xoojinta hay’adaha dowladda, horumarinta nidaamka sharciyeed iyo ilaalinta danta guud ee qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Guddoonka iyo xubnaha Golaha Shacabka shaqada ay ka qabteen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, isagoo xusay in sharci-dejintu ay laf-dhabar u tahay dowladnimo ku dhisan nidaam, isla-xisaabtan iyo kala dambeyn.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ugu hambalyeeyay xilka loo doortay iyo kalsoonida ay xubnaha Golaha Shacabka ku aamineen, isagoo u rajeeyay inuu si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.




