Taliyaha Ciidanka XDS iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo kawada hadlay Aminiga Baydhabo

0

Baydhabo – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shir muhiim ah oo amniga looga hadlayay ku guddoomiyay magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

 

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howlgala magaalada Baydhabo, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda amni ee magaalada, caqabadaha jira, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga.

Mas’uuliyiinta ayaa diiradda saaray muhiimadda ay leedahay adkeynta nabadgelyada magaalada iyo dardargelinta howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida guud ee Baydhabo.

Intii uu socday kulanka, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa saraakiisha faray in la laba jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga, lana xoojiyo isku dubbaridka howlgalada si looga hortago khataraha amni ee jira.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ay ku xoojinayaan amniga iyo la dagaallanka kooxaha amni darrada ka wada qeybo kamid ah dalka.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, people studying and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here