Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer shaqo ku tagay Bardaale iyo Awdheegle

0

Bardaale, Gobolka Bay – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyeen Taliyaha Taliska Tababarka XDS, S/Guuto Axmed Ciise Axmed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay.

 

Ujeedka socdaalka Taliyaha ayaa ahaa in uu ku kormeero xaaladda ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Bardaale, isla markaana uu u kuurgalo xaaladda guud ee goobaha ay ciidamadu ka howlgalaan.

Taliyaha ayaa kormeeray Xerada Gaaska Bardaale, halkaas oo ay hore uga howlgeli jireen guutooyin ka tirsan Ciidanka Lugta iyo Madaafiicda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda istiraatiijiga ah ee xeradaasi u leedahay hawlgallada amni ee ka socda gobolka.

Intii uu kormeerka socday, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la kulmay saraakiisha iyo hormuudka ciidamada deegaanka, isagoo u ballan qaaday in Ciidanka Xoogga Dalka ay garab istaagi doonaan si loo xoojiyo awoodda iyo in la daboolo baahiyaha jira.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale wada dadaallo lagu dardargelinayo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here