Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay sarkaal ka socday Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Xafiiskiisa Kulan kula qaatay Uqeybsanaha Arimaha Ciidanka ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya Gaashaanle Sare Bariş Bulut.

 

Taliyaha  iyo Uqeybsanaha Arimaha Ciidanka ee dowlada Turkiga ayaa ka wada hadlay Xoojinta tababarada iyo Qalabeynta Ciidanka  Kumaandooska Gor Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Dowlada Turkiga ayaa ka Mid ah Dowladaha ka qeyb qaata dhismaha iyo tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here