Faahfaahino kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa miino oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa oo xooganaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray guriga uu dagan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ku yaalla Waaxda Kacaan ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la qarxinayay hoyga u ka maqnaa sarkaalka, waxaana kaliya ka dhashay khasaare burbur ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here