Taliyaha NISA oo booqasho ku tegay suuqa weyn ee Bakaaraha + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka Mahad Maxamed Salad ayaa maanta kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo hay’addu ka nadiifisay Khawaarijta dilalka iyo dhaca ku heysay ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Booqashada taliyaha ee suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale lagu hubinayay sida ay ganacsatadu u fulisay amarkii NISA ee ahaa in dhammaan ganacsiyadu xirtan kaamirooyinka CCTV, si ay u sahlanato ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Taliye Mahad ayaa ku dhex lugeeyay suuqa, wuxuu gaar gaar u arkay ganacsatada yar yar iyo maal-qabeennada waa weyn. Si uu u muujiyo isbadalka amni ee ka muuqda Suuqa Bakaaraha wuxuu taliyuhu la dukaameystay qaar ka mid ah shacabkii Soomaaliyeed ee maanta usoo iib-doontay suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa taliye Mahad Salad la wadaagay sida ay ugu qanacsanyihiin shaqada laamaha amniga ee Dowladda iyo isbadalka xoogan ee dhanka togan loo qaaday, waxayna ballanaadeen iney Dowladda ku garabsiinayan xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ayaa uga mahadceliyay ganacsatada suuqa Bakaaraha sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayan ciidanka, fulintooda amarkii kaamirooyinka CCTV iyo garab istaagooda Dowladnimada, wuxuuna u ballanqaaday in la xoojin doono ilaalinta amnigooda iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adda NISA iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here