DF oo ka warbixisay sababta keentay inuu hakad galo dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uusan istaagin, balse uu saameyn ku yeeshay roobabka ka da’aya dalka, taasna ay fursad siisay xubnaha Al-Shabaab, maadaama ay istaageen weeraradii joogtada ahaa ee lagu haayay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in meel wanaagsan uu marayo wajiga koobaad ee dagaalka, kaas oo xoogiisa uu ka socdo deegaanada Galmudug iyo HirShabelle, isaga oo kadib sheegay in loo jeesan doono maamullada kale ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Dowladda federaalka ayaa dagaalkan hoggaamineysa, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya dadka deegaanka, ayada oo sanad bar kadib dhul ballaaran looga xoreeyay Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here