Taliye Suulnuug oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal ka dhacay Mudug

0

CAAD (SMN) – Taliyihii Guutada 18-aad ee Gorgor Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal saaka ka dhacay duleedka deegaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

 

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamo ka kooban saddex dhinac, kuwaas oo kala ah Gorgor, Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda, wuxuuna xoogiisu ka dhacay Jeex-Jeexa.

Sidoo kale waxaa dagaaalka barbar socday duqeymo xoogan oo ay dhanka hawada ah diyaarado uga taageerayeen ciidamada isbaheysanaya oo beegsaday saldhigyada Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guluf ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here