Tiro Muwaadiniin u dhashay dalka Mozambique oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

0

JOHANNESBURG  — Xukuumadda Mozambique iyo booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa isku khilaafay tirada muwaadiniinta u dhalatay Mozambique ee lagu dilay weerarro salka ku haya ajnabi naceyb oo dhowaan ka dhacay gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika.

 

Xafiiska warbaahinta ee dowladda Mozambique ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in toddobo ka mid ah muwaadiniinteeda ay ku dhinteen rabshado ka dhacay magaalada xeebta ah ee Mossel Bay, oo qiyaastii 380 kilomitir dhanka bari kaga beegan magaalada Cape Town. Sida uu sheegay dalku, shan ka mid ah dadkaas ayaa si toos ah u dhintay ka dib markii ay la kulmeen weeraro ajnabi naceyb ah, halka labada kale ay ku dhinteen shil baabuur xilli ay dalkooda dib ugu laabanayeen.

Dhanka kale, booliiska Koonfur Afrika ayaa si xooggan u gacan-sayray sheegashada dowladda Mozambique. Afhayeenka booliiska gobolka Western Cape, Brigadier Novela Potelwa, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in laba qof oo keliya oo u dhashay Mozambique lagu dilay degsiimada Asla Park ee ka baxsan Mossel Bay.

“Run maaha in shan qof la dilay. Laba muwaadin oo u dhashay Mozambique oo da’doodu kala ahayd 27 iyo 43 jir ayaa naftooda ku waayey degsiimada Asla Park fiidnimadii Jimcaha,” ayay tiri Brigadier Potelwa, iyadoo ka gaabsatay inay si rasmi ah u xaqiijiso in dilkaas uu salka ku hayo ajnabi naceyb.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay in mudaaharaadyadii ka lagala xiriiriyay muhaajiriinta sharci darrada ah ay isku badaleen rabshado guryo badan lagu gubay, boqolaal dad ahna ay ku barakaceen. Duqa magaalada Mossel Bay, Dirk Kotze, ayaa muujiyay walaac qoto dheer iyo murugo uu ka qabo weerarada naceybka ah, guryaha la gubay, iyo qoysaska barakacay.

Rabshadahan ayaa sababay saameyn weyn:

300 oo Qof ayaa si iskood ah ugu laabtay dalka Mozambique maalin ka dib rabshadaha iyo 500 oo Qof oo kale ayaa la sheegay in lagu hoyay meel nabdoon oo ku taal gobolka Western Cape, iyadoo ay hadda socoto hawsha dib u celintooda.

Koonfur Afrika, oo ah dalka ugu dhaqaalaha badan qaaradda, ayaa muddo dheer hoy u ahayd shaqaale badan oo Afrikaan ah. Si kastaba ha ahaatee, tobankii sano ee la soo dhaafay dalku wuxuu martigeliyay mowjado rabshado wata, iyadoo muhaajiriinta lagu eedeeyo dambiyada iyo inay shaqooyinka ka qaataan dadka deegaanka.

Sannadkii 2008dii, 62 qof ayaa lagu dilay rabshado caynkan oo kale ah, halka guux kale oo dhiig ku daatay uu dhacay sannadihii 2015 iyo 2016. Kor u kaca cusub ee xiisaddan ayaa ku soo beegmaya xilli xisbiyada siyaasadda ee dalkaas ay taageero ka raadinayaan dadweynaha ka hor doorashooyinka dowladdaha hoose ee qorsheysan bisha November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here