TPLF oo ku dhawaaqday qorshe ay dib ugu la wareegayso maamulka Tigray

0

Tigray, Itoobiya – Xiisad siyaasadeed oo cusub ayaa ka taagan gobolka Tigray kadib markii TPF ay ku dhawaaqday qorshe ay dib ugu la wareegayso maamulka gobolka, arrintaas oo cabsi weyn ka abuurtay in dib u soo laabato colaaddii hore u dhexmartay dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolka.

 

Bayaan ay TPLF ku faafisay barteeda Facebook-ga ayaa lagu sheegay in Golaha Dhexe ee xisbiga uu go’aansaday in dib loo soo celiyo Golaha Xukuumadda Tigray, oo horey loo kala diray si loo fuliyo heshiiskii nabadeed ee 2022. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid si toos ah u saameyn karta heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay labada dhinac.

TPLF ayaa sidoo kale ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay jebisay heshiiskii nabadda, iyagoo sheegay in la joojiyay taageeradii dhaqaale ee shaqaalaha rayidka ah isla markaana ay socdaan faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah gobolka. Eedeymahan ayaa sii kordhiyay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.

Dhanka kale, Getachew Reda, oo horey uga tirsanaa hoggaanka TPLF isla markaana hadda lataliye u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in go’aanka TPLF uu yahay “diidmo cad” oo ka dhan ah nidaamka ku meel gaarka ah ee lagu dhisay heshiiskii nabadda, taas oo muujinaysa kala aragti duwanaanshaha sii xoogeysanaya.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmeysa xilli xiriirka u dhexeeya TPLF iyo dowladda federaalka Itoobiya uu sii xumaanayay tan iyo markii Abiy Ahmed uu xafiiska yimid 2018, taas oo keentay isbeddello waaweyn oo siyaasadeed oo dalka ka dhacay.

Dagaalkii u dhexeeyay labada dhinac ee socday intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022 ayaa ahaa mid ka mid ah colaadaha ugu dhimashada badan Afrika, iyadoo lagu qiyaasay in boqolaal kun ay ku dhinteen halka malaayiin kalena ay ku barakaceen. Colaaddaas waxaa sidoo kale ku lug lahaa ciidamada Eritrea iyo kooxo kale oo gobolka ka hawlgalayay.

Heshiiskii nabadeed ee Pretoria, oo ay dhexdhexaadisay African Union sanadkii 2022, ayaa si rasmi ah u soo afjaray dagaalka, iyadoo la isla gartay in la dhiso maamul ku meel gaar ah oo gobolka Tigray lagu hago ilaa laga gaaro xaalad siyaasadeed oo deggan.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda gobolka ayaa weli ah mid aad u jilicsan. Warbixinno ayaa muujinaya in ku dhowaad 80% shacabka Tigray ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, iyadoo yaraanta taageerada caalamiga ah ay sii adkaysay adeegyada caafimaadka iyo nolosha aasaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here