WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sii xoojiyay hadalladiisa ka dhanka ah Soomaalida ku nool Mareykanka, isaga oo dadka gobolka Minnesota ugu baaqay inay “iska caabiyaan” bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegay in gobolka Minnesota ay la wareegayaan muhaajiriin Soomaaliyeed.
“Dadka Minnesota waa inay iska caabiyaan Muhaajiriinta ka yimid Soomaaliya,” ayuu yiri Trump, isaga oo intaas ku daray in Soomaalidu aysan ka baxsan karin dembiyada ay sameynayaan, isla markaana uu sheegay inay dadka gobolka ka adkaan doonaan soo-galootiga.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii loo baahdo, dowladda federaalka Mareykanka ay u fidinayso gurmadka dadka Minnesota. Aqalka Cad ayaan ka jawaabin su’aal laga weydiiyay tallaabooyinka uu Trump uga jeedo baaqiisa ku aaddan in dadka gobolka ay “iska caabiyaan” Soomaalida.
Minnesota ayaa hoy u ah bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan Mareykanka, waxaana gobolkaas ku nool Soomaali badan oo ka qayb qaata dhaqaalaha, siyaasadda iyo nolosha bulshada, kuwaasoo inta badan taageera xisbiga Dimuqraadiga, islamarkaana codka siiya xiliga doorashadda.
Intii uu xilka hayay, Trump ayaa marar badan hadallo kulul ku weeraray Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota, iyo xildhibaan Ilhan Omar oo asal ahaan Soomaali ah, kuna dhalatay Soomaaliya.
Hadallada Trump ee ka dhanka ah Soomaalida Minnesota ayaa sii xoogaystay kaddib warbixino la baahiyay sannadkii hore oo ku saabsanaa dad badan oo asal ahaan Soomaali ah oo lagu helay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Tan iyo xilligaas, Trump ayaa Soomaalida qaarkeed ku tilmaamay “dambiilayaal”, isaga oo sidoo kale Soomaaliya ku sifeeyay erayo meel ka dhac ah.
Baaqiisa ayaa imanaya iyadoo hadallada siyaasadeed ee Trump ee ku saabsan muhaajiriinta Soomaalida ay sii hurinayaan doodda ku saabsan takoorka, hadallada naceybka iyo sida loola dhaqmo bulshooyinka muhaajiriinta ah ee ku nool Mareykanka.




