Muqdisho— Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna soo saartay baaqyo isdaba-joog ah oo loogu baaqayo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka inay xaaladda dajiyaan, khilaafkoodana ku dhammaysaan wada-hadal iyo is-afgarad. Dhaqdhaqaaqyadan ciidan iyo iska horimaadyada ka dhacay caasimadda ayaa cabsi weyn ku abuuray shacabka ku nool Muqdisho, iyadoo saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay uga digeen dhinacyada kala duwan inay qaadaan tallaabooyin ragaadin kara xasilloonida dalka.
Xilli ay xaaladdu cakiran tahay, waxaa magaalada Muqdisho ku sugan wafdi ballaran oo ka socda dowladda Turkiga, kuwaas oo uu hoggaaminayo Taliye ku-xigeenka Sirdoonka dalkaas. Wafdigan ayaa kulamo xasaasi ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda dowladda, iyadoo ujeedkoodu yahay in la qaboojiyo xiisadda taagan, lana dhex-dhexaadiyo dhinacyada isku haysta hannaanka siyaasadeed ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, wararka laga helayo kulamadaas ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aanay jirin wax natiijo ah oo rasmi ah oo laga gaaray dadaallada uu wado wafdiga dowladda Turkiga.
Dhinaca kale, xiisaddan ayaa abuurtay hadal-hayn ballaran oo ku saabsan doorka Turkiga ee gudaha Soomaaliya. Garabka mucaaradka ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay inay la safatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Eedeymahan ayaa salka ku haya in hubka ay dowladda Turkigu siiso dowladda Soomaaliya iyo ciidanka gaarka ah ee ay tababartay (Gorgor) loo adeegsanayo dagaalka iyo cadaadiska ka dhanka ah xoogagga mucaaradka, taas oo hadda caqabad ku noqotay dhex-dhexaadinta dowladda Turkiga.




