Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahadal la yeeshay dhigiisa Masar

0

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ammaanay taageerada joogtada ah ee ay dowladda Masar la garab taagan tahay Soomaaliya, taas oo isugu jirta dhinacyada siyaasadda, horumarinta, iyo amniga xilli uu khadka telefoonka kula xiriiray dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty.

 

Sida ku cad qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Wasiir Badri ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee ay Masar u heyso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaheeda qaranka, isagoo xusay in Qaahira ay si dhow u la socoto isbeddellada hadda ka socda dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, wuxuuna ku celiyay sida ay Masar uga go’an tahay inay taageerto dadaallada dalka looga fidinayo nabadda iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa dib u xaqiijiyay taageerada dalkiisa ee ku aaddan midnimada, madaxbannaanida, iyo qaranimada Soomaaliya, isagoo muujiyay in Qaahira ay si adag u diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimi karta qaranimada Soomaaliya ama khatar gelin karta midnimada dhulkeeda.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa bogaadiyay mawqifka dowladda Masar ay ku taageerayso midnimada Soomaaliya. Wuxuu xaqiijiyay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay inay sii waddo iskaashiga dhow iyo wada-tashiyada joogtada ah ee ay la leedahay Masar, gaar ahaan arrimaha taabanaya danta labada dhinac.

Wada-hadalkan khadka telefoonka ee dhexmaray labada wasiir ayaa ku soo beegmay xilli ay gobolka ka socdaan dadaallo kala duwan oo lagu taageerayo xasilloonida Soomaaliya, laguna adkaynayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here