Turkiga oo soo saaray amar lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya

0

ISTANBUL (SMN) – Turkiga ayaa war cusub kasoo saaray shil dhimasho sababay, kaas oo loo haysto inuu ka dambeeyay wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shilka oo dhacay dhammaadkii November ayaa haatan soo shaac baxay, iyadoo shilkaas lagu galay baabuur ay leedahay Safaarada Soomaaliya ee Turkiga,, kaas oo uu watay wiilka oo lagu magacaabi Maxamed Xasan Sheekh, oo uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud magaalada Istanbul oo qoraalka soo saaray ayaa in lixdii bishan uu dhintay muwaadin Turkey ah oo shilkaas dhaawacuu  kasoo gaaray, kadibna  8dii bishana la amray in lasoo xiro wiilka madaxweyne Xassan Sheekh ee gaariga waday, hayeeshee la ogaaday inuu ka baxsaday dalkaasi.

“Dowladda Turkiga iyadoo la isticmaalaysa jid kasta oo caalami ah oo fududeynaya in lasoo qabto Tuhmanaha, ayay qaadaysaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha guud e Istanbul.

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, kaas oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, kaaas u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya ee Turkiga.

Dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka hadlin warkan oo socday maalmihii lasoo dhaafay, laakiin ay maanta ugu dambeyn ka hadashay dawladda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here